Uhuru Kenyatta Oo Nin Somali ah ku Daray Gudiga Sare Ee Cadaalada Kenya Oo Uu Magacaabay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta magacaabay Guddiga Sare ee Garsoorka Kenya oo ka kooban 11 xubnood.

Guddigan ayaa waxaa ku jira nin Soomaali ah oo la yiraahdo Garyaqaan Cabduqaadir Xuseen Maxamed sida ku xusan qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Ninkan ayaa mar madax ka ahaa guddiga sameynta Dastuurka Kenya , isagoo sidoo kale noqday mar La-taliyaha Madaxweynaha kenya ee dhanka sharciga.

Garyaqaan Cabduqaadir Xuseen Maxamed oo ku dhashay Mandhera ee gobolka Soomaalida ayaa ka baxay Jaamacad ku taalla dalkaas oo uu ka bartay sharciga.