Turkiga Oo ku Faanay Inuu Dilay Boqolaal Maleeshida Kurdiyiinta Ah Dhul-na Ka Qabsaday.

Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa waqooyiga Siiriya maalintii labaad, inuu ku dhexmarayo milatariga Turkiga iyo maleeshiyada Kurdiyiinta, waqti ay ciidamada cirka ee Turkiguna duqaymo ka gaysanayaan goobo la bartilmaameedsaday oo ku yaala Waqooyiga Suuriya.

Turkiga ayaa sheegay inay qabsadeen bartilmaameedyo istaariji ah, sidoo kalena ay dileen dhaawaceeno maleeshiyaad Kurdiyiin ah.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan inay waqooyiga Suuriya ka sameeyaan “aag nabdoon” oo laga sifeeyay malleeyshiyaadka kurdiyiinta ah.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa barta ay ku leedahay barta Twitter-ka ku sheegtay in howl galkaasi uu si guul ah u socdo hanoqoto duqaynta iyo gulufka kale ee dhulka ahba Wararkuna waxay sheegayaan in ay Tuulada Tal Abyad ay ku dhacday gacanta Milatariga Turkiga.

Madaxwayne Erdogan-na wuxuu sheegay in 109 xagjiriin ah ay milatarigiisu wax ay dileen iyo wax ay dhaawaceen ka dhigeen tan iyo bilawgii dagaalka.

Dhinaca kale jabhada SDF ee Kurdiyiinta ayaa sheegtay in tirada ay Turkigu sheegayaan ee qasaaraha ah ay tahay mid la buunbuuniyay, sidoo kalena ay iska caabiyeen weeraradii bilawga ahaa ee dhinaca turkiga kaga yimid, ilaa dhawr qof oo rayid ahna ay ku dhinteen duqaymaha Turkiga

Si kastaba ahaatee Kumanaan qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka carareen guryahooda.