Turkiga Oo ku Dhawaaqay In Daba-gal Lagu Samayn-doono Telefonka Dadka loo Karantiilay Covid 19.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa shaacisay inay  la socon doona mobilada kuwa laga helay kiisaska cusub ee cudurka Coronavirus si loo hubiyo inaysan jebin xayiraada dhinaca karantiil ee lagu soo rogay, iyagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid lagu joojinayo faafida cudurkan ka dillaacay bishii la soo dhaafay.

“Turkiga wuxuu bilaabi doonaa dabagalka muwaadiniinta laga helay covid-19 wuxuuna u diri doonaa farriin lagula soconayo dhaq-dhaqaaqiisa, qof walba oo jabiya xayiraada karantiinka ah waa la ogaan doonaa  waana loo yeedhi doonaa hadii ay ka baxaan guryahooda”, ayuu yiri Agaasimaha Isgaarsiinta ee madaxtooyada.

“Waxaan ka codsan doonaa kuwa karantiinka jabiyay inay guryahooda ku soo noqdaan, qofkase ka dhaga adayga ee xad-gudubka sameeya waxa ay la kulmi doonaan cawaaqib xun, booliiskuna wuxuu u haystaa ruqsad inay ciqaabaan” ayay tidhi Afhayeenku.

Xaalkan ayaa waxa wax la iska waydiiyay sida ay isku qabanayaan ilaalinta xogta shaqsiga, iyo la socodka dhaqdhaqaaqa ee dawladu bilawday, waxana afhayeenka oo ka jawaabaysa dareenkan ay tidhi sharciga Turkiga uu ogolyahay in laga baaraandego xogta shaqsiyeed ilaalinteeda iyo badbaadada gguud ee booliska.