Turkiga Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Digniin Amni Oo Uga Timid Israa’iil

Dawlada Turkiga ayaa jawaab adag ka bixisay digniin ay shalay Israa’iil u jeedisay muwaadiniinteeda ku sugan Turkiga, ka dib markii ay soo baxeen hanjabaado loo geystay qaar ka mid ah dalxiiseyaasha.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaaboyinka dhinaca ammaanka, waxayna sidoo kale ku adkeysatay in Turkiga uu yahay dal ammaan ah oo ku ad adag la dagaalanka argagixisada.

Maalinimadii Isniinta ee shalay ayaa Israa’iil waxay u jeedisay muwaadiniinteeda ku sugan Turkiga in ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo axaan kuwo kalelana waxay u sheegtay in aanay booqan Turkiga .

Digniintaas waxay ka dambeysay isku dayo fara badan oo la isku dayey in lagu weeraro dalxiiseyaal Israa’iil ah oo ku sugan Istanbul , weerarradaas oo ay isku dayeen kooxo Iran ah.

Iran ayaa Israa’iil ku eedeysay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa Saraakiisha ilaalada kacaanka ee dalka Iran waxayna ku dhaarteen in ay ka aargudan doonaan