Turkiga Oo Go’aan lama filaan ah ka Qaatay kiiska Dilka Weriyihii Jamal Khashoggi

Dawlada Turkiga ayaa hakisay Maxkamadeynta ka socotay Istanbul oo ka dhan ahayd 26 u dhalatay Sucuudiga oo ku eedeysnaa dilka weriye u dhashay Sucuudiga Jamal Khashoggi oo la khaarajiyay sanaddii 2018-kii.

Garsooraha ayaa sheegay in gal dacwadeedka lagu wareejin doono Sucuudi Carabiya oo horay u diiday inay eedeysanayaasha ku soo wareejiso Turkiga.

Jamal oo u shaqeyn jiray Wargeyska Washington Post ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga. Dilkaasi oo ay gaysteen masuuliyiin ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa keenay caro ballaaran oo caalami ah.

Maxkamad ku taalla Suciidga ayaa xukun ku riday sideed qof oo aan la magacaabin sanaddii 2019.

Go’aanka garsooraha ayaa yimid ka dib markii wasiirka cadaaladda ee Turkiga u sheegay inuu aqbalay dalab ka yimid dacwad soo oogaha oo ahaa in la joojiyo maxkamadeynta maadama aysan eedeysanayaasha joogin Turkiga. Dacwad qaadaha waxa uu sheegay in masuuliyiinta Sucuudiga ay ballan qadeen inay eedeymaha loo haysta raggani ay qiimeyn donaan marka lagu wareejiyo.

Hay’adda Amnesty International ayaa Go’aanka ku tilmaantay go’aan siyaasadeed,iyadoo arrintan ay timid iyadoo uu Turkigu isku dayaya inuu dib u hagaajiyo xiriirkii uu la lahaa Sucuudiga.

(Visited 7 times, 1 visits today)