Trump Oo Dalbaday in Dib loo Dhigo Doorashada Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta soo jeediyey in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Mareykanka ee dhaceysa saddexda bisha November.

Trump ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashada, waxaanu xusay in xaaladda hadda lagu jiro aanay suurtagalineyn in doorasho ay ka dhacdo Mareykanka.

Trump oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, ayaa waxa uu mar kale ku celiyey sheegashadiisa ah in codeynta lagu soo diro boostada ay tahay qiyaameyn, wuxuuna soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo.

“Dib u dhiga doorashada illaa inta ay dadka si sax, amni ah oo nabdoon ugu codeyn karaan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Trump ayaa shaki geliyey sharci ahaanshaha codeynta lagu dhiibto habka boostada ee dadka warqadaha codeynta kasoo diraan guryahooda, taasi oo gobollo badan oo ka mid ah dalka ay sare u qaadeen kadib faafitaankii cudurka Coronavirus.

Warka kasoo baxay Trump ayaa yimid ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaan inuu ka dambeeyo musharaxa dimoqraadiga ee Joe Biden, suurta-galna ay tahay in looga adkaayo doorashada 3-da November.

Xubnaha sarsare ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa ka soo horjeedsadeen soo jeedintii madaxwayne Donald Trump ee ahayd in dib loo dhigo doorashada Mareykanka ee bisha November.

Taariikhda codeynta doorashada Mareykanka – oo ah Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa ee bisha November ee sanad kasta oo afaraad – ayaa waxay ku dhigan tahay dastuurka Mareykanka, waxayna u baahaan doontaa in Congress-ka uu bedelo taasi oo aan muuqan.

Inkastoo ay adag tahay in uu meel maro qorshaha Trump, haddana dad badan waxay isweydiinayaan sida fayraska corona uu u saameyn doona doorashada Mareykanka iyo qaabka looga baaqsan karo dhibaatao ka dhalata doorashada, maadaama corona uu wali ka taagan yahay Mareykanka.