Trump Oo Quus U Dhaw Kadib Wajigabax Uu Kala Kulmay Jamhuuriyiinta Gobolka Michigan

Donald Trump ayaa guul-daro kale hantiyay, kadib markii Xildhibaanada gobolka Michigan ee xisbigiisa Jamhuurigu ay sheegeen in aanay diyaar u ahayn inay muran galiyaan guushii la saadaalinayay ee Joe Biden ee gobolkaas ka soo hooyay.

Laba sharci dejiye oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ballan qaaday inay raacayaan “habraaca caadiga ah” ee ansaxinta cod bixinta kadib kulan ka dhacay Aqalka Cad.

Guuldaradan u dambaysay ee Gobolka Michigan ka soo wajahday Trump ayaa waxa ta rumaysan yahay inay god-dheer ku sii ridayso doonitaankiisii ahaa inuu qiil u helo guuldaradii ka soo gaartay doorashadii Mareykanka.

Aroornimadii jimcihii ayay ahayd markii madaxda gobolka Georgia ay ku dhawaaqeen inay ansixinayaan natiijada ka soo baxday gobolkaasi ee guusha doorashada siinayay Mr Biden.

Laba gobo lee Michigan iyo Georgia ayaa ahaa laba gobo loo Trump lagaga Guulaystay balse uu wacad ku maray in uu maxkamad gayn doono natiijada doorashada ee la saadaaliyay,

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa lagu wadaa inuu xafiiska la wareego 20 Janaayo ee sanadka 2021 waxana uu Joe Biden noqonayaa madaxweynahii 46aad ee Mareykanka.