Trump Oo khadka kala Hadlay Hogaamiyeyaal Afrikan ah Una Balanqaday Taageerida Covid 19.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa khadka teleefoonka kula hadlay laba hogaamiye oo Afrikaan ah, waxay ka wadahadleen sidii looga hortaggi lahaa cudurka safmarka ah ee dunida saameeyay.

Trump wuxuu la hadlay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wuxuu sheegay in Koonfur Afrika uu ka caawin doono dadaallada lagula dagaalamayo cudurka safmarka ah isla markaana Mareykanka uu garab taagan yahay shacabka Koonfur Afrika.

Wuxuu sidoo kale Trump ka dhawaajiyay in Kenya uu ka caawin doono dadaallada xakameynta cudurka.
Xigasho BBC