Trump Oo Dawlada Nigeria ku Amaanay Talaabada ay ka Qaadatay Shirkada Twitter.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ku ammaaney dowladda Nigeria sida ay ugga manuucday dalkeeda Twitter-ka.

Nigeria ayaa talaabadan qaaday ka dib markii ay ka carootay go’aan shirkadda Twitter ku tirtirtey qoraal uu soo galiyey Madaxweyne Muhammadu Buhari.

Trump ayaa ku booriyey dalalka kale in sidan oo kale ay u mamnuucaan shirkadaha Facebook iyo Twitter-ka, maadaama aaney oggoleyn shirkadahan xoriyadda hadalka.

Trump ayay labada shirkadood ee Twitter-ka iyo Facebook waxay horey uga xireen bartii uu ku lahaa dagaladooda, ka gadaal markii kooxo mudaaharaadaya ay galeen aqalka congress-ka bishii January.

Qoraaladii uu soo galinayey baraha bulshada ee labadan shirkadood, ayaa loo aaneeyey kicinta iyo qarbudaada ay geysteen kooxihii galey Congress-ka.

Trump ayaa intaa raaciyey in shirkadahan aaney kala saari karin waxa xun iyo waxa wanaagsan, isagoo ku tilmaamey Twitter-ka iyo Facebook iney sheydaamo yihiin.