Trump Oo Dacwad Ka Dhan Ah Tirinta Doorasahada U Gudbiyey Maxkamada Arizona.

Shaqaalaha ololaha doorashada ee Donald Trump ayaa mar kale aaday maxkamada gobolka Arizona, halkaas oo ay ku andacoonayaan inay jireen khaladaad ka dhacay qaabkii ay u dhacday doorashada.

Dacwada ayaa si rasmi ah loo xareeyay habeenkii Sabtida waqtiga Mareykanka. Saraakiisha Trump iyo Xisbiga Jamhuuriga ayaa dalbanaya in tiro aad u badan oo waraaqaha codeynta ah dib loogu eego gacanta.

Sababta ayaa ah eedeyn ah in waraaqaha doorashada si qaldan loola dhaqmay shaqaalaha doorashada. Waraaqaha codbixinta ayaa la sheegay in lagu diiday xaalado jiray in shaqaalaha doorashada fursad loo siin waayey in ay saxaan khaladaadka.

Wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweynaha, Trump wuxuu sameeyay eedeymo badan oo aan cadayn laheyn oo ku saabsan musuqmaasuq doorashada, shaqaalihiisiina wuxuu dacweeyeen meelo badan, dacwadahana wali laguma guuleysan.