Tirada Kiisaska Cusub Ee Coronavirus Jabuuti Oo Korodhay.

Dawlada Jabuuti ayaa xaqiijisay in 28 qof laga helay caabuqa Coronavirus,kadib markii maanta la baaray dad badan oo looga shakisnaa cudurka halista ku haya caalamka ee Covid 19, taasoo  wadarta guud ee dadka uu haleelay caabuqan ee ku nool Jabuuti ka dhigaysa 974 qof .

Wasaarada caafimaadka Jabuuti ayaa Warsaxafadeed ay soo saaratay ku sheegtay in maanta caabuqa Coronavirus laga baaray 1317 qof oo laga shikisanaa xanuunka, kuwaasoo laga helay 28 ka mid ah Covid-19  baaritaanka kadib

Sidoo kale wasaarada Caafimaadka ayaa xustay in 187 qof ay ka bogsadeen caabuqa caroonavirus, islamarkaana ay 2 qof u dhinteen xanuunkan, halka dadka xaaladoodu halista tahay la dhigay Isbitaal ku yaala Carta, iyadoo inta kalena lagu hayo xarun lagula socdo xaaladooda caafimaad.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqada Faransiiska.