Tirada Kiisaska Coronavirus ee Djibouti Oo Korodhay

Tirada dadka laga helay caabuqa Corona ee Djiboti ayaa korodhay, waxana ay wasaarada caafimaadku sheegtay in baadhitaan ay maanta ku sameeyeen 489 qof ay ku ogaadeen 83 kiis oo Covid-19 ah.

Kiisaskan cusub ayaa waxa ay tirdada guud ee kiisaska dalkaasi ka dhigayaa in ka badan 300 oo qof.

Cudurkan ayaa waxa Djibouti ugu geeriyooday laba qof tan iyo intii caabuqan ka dilaacay wadankaasi.