Tanzania Oo Xabsiga kasii Daysay Hoggaamiyayaal Islaami ah Oo U Ololeeya Is-maamul Gobaleed.

Labo Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Koox Islaami ah oo u ololeysa in Jesiiradda Zanzibaar hesho ayaa la sii dayey, kadib, markii ay 8 sano ku jireen Xabsiga.

Labada Hoggaamiye oo lagu kala magacaabo Fariid Hadi iyo Muslam Cali Musalam waxay ka tirsanaayeen Ururka Bulshada Rayida ee loo soo gaabiyo UAMSHO.

Agaasimaha Guud ee Dacwad-Oogista dalka Tanzania aya xaqiijiyey in la sii daayey Labada Hoggaamiye, lagana laabtay Dacwooyinkii loo haystay.

Qareenka u doodayey LabadaHoggamiye oo lagu magacabo Juma C/llaahi Juma waxa uu Go’aankaasi ku tilmaamay Farxad Lala-Yaabo.

(Visited 2 times, 1 visits today)