Talyaaniga Oo Madaxda Aqalka Sare kala Hadlay Dardargalinta Doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare BFS Mudane Cali Shacbaan ibraahim oo xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa Bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed

Waxay sidoo kale wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada baarlamaan u yeelan lahaayeen xidhiidh wadashaqaynayd iyo isweydaarsi xirfadeed.

(Visited 2 times, 1 visits today)