Inaa lilaahi wa inaa inaahu raajicuun. waxa saaka waaberigii xerada milatariga Goroya-cawl lagu dilay Kornayl Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo ahaa taliyihii guutada Gorayo-cawl.
Taliya ayaa waxa dilay Askari ilaalo u ahaa balse lama oga sababta ka denbaysa dilka taliya mana jirto masuul ka hadlay dilka saaka ka dhacay xerada ciidamada Garaya-cawl ee duleedka magaalada Borama.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Maydka Taliyaha iyo askarigii dilay isla saaka loo qaaday dhinaca Magalada Hargaysa