Taliyaha Ciidanka Qabsaday Baladwayne Oo Digniin Adag U Diray Madaxda Hirshabeele.

Xiisad ayaa ka taagan magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii Maleeshiyo aad u hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee magaalada.

Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay Maleeshiyada Beledweyne soo gashay ayaa meel fagaare ah ka sheegay in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.