Taliye Guuto Iyo Saraakiil kale Oo Caawa Lagu Dilay Dagaal ka Dhacay Deegaano ka Tirsan Cadaado

Taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Cadakibir ee dhanka bari kaga beegan magaalada cadaado ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka oo ay ku suganaayeen Ciidamada iskaashanaya.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday deegaanka Baxdo oo u dhow Cadakibir, halkaas oo dadka deegaanku ay sheegeen inay gaarsiiyeen jab xoog leh.