Taliyaha Ciidanka Gadoodsan Ee PSF Oo Amar Culus kasoo Saaray Xiisada Boosaaso

Taliyaha ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, ee uu xilka ka qaaday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo saaka khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa kala hadlay khilaafka u dhaxeeyo ciidamada PSF iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Taliye Maxamuud ayaa ciidamada ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin magaalada, islamarkaana ay ilaaliyaan deganaanshaha Magaalada Boosaaso.

Maxamuud oo ka hadlayey khilaafka kala dhaxeeyo madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu iska soo dhammaan doono, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo.

Sida aan xogta ku helnay Agaasimuhu kama hadlin wax ku saabsan xil ka qaadistiistii lagu sameeyay iyo haddii uu xilka wareejinayo midna.

Ciidamada PSF ayaa lasoo sheegayaa in ay ka baxeen dhufeysyo u qodnaa, islamarkaana ay hadda si caadi ah ugu laabteen xarumahooda.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa dagan, inkastoo ay magaalada la ciirciireyso ciidamo tiro badan oo kala taabacsan Agaasimaha PSF iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Khilaafka u dhaxeeyo Saciid Deni iyo Agaasimaha hey’adda PSF ayaa bilowday kadib markii uu Deni soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday Agaasime Maxamuud.

Saciid Deni ayaa doonayo inuu si buuxda ula wareego ammaanka Magaalada Boosaaso halkaas oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 Kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka.