Taliyaha CXD Oo La Kulmay Saraakiilsha Difaaca Turkiga

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Milliteriga Soomaaliya Sarreeye Guuto Odawa Yuusuf Raage.


Sareeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa dalka Turkiga ku tagay casuumaad uu ka helay taliyaha guud ee ciidamada General Yasar Guler.

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in iskaashiga siyaasadeed iyo kan milateri ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaalnimo, welina uu sii kobcayo.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada nooc kasta ah oo ay siiso shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in ay ku noolaadaan nabad iyo xasilooni.

Turkiga ayaa tababaro joogto ah u fidiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waana dalka kaliya ee Soomaaliya dhinaca milatariga aad uga taageeray, xilli uu dalku aad ugu baahan yahay dhismaha ciidan qaran.