Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo ka Warbixiyay Dagaal ka Dhacday Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Korneyl Mahad Cabditaxmaan Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu ku bilaawday dagaal Xabsiga Dhexe ku dhexmaray Qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga iyo Ciidamo ka tirsan ilaalada.

Taliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii qaar kamid ah Maxaabiista oo ku guda jiray Cunto karin ay si xoog ah qorigiisa uga qaateen mid kamid ah ilaalada Xabsiga, kadibna ay toigteen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Maxaabiista ay sidoo kale toogteen askari kale qorigane ka qaateen, taas oo keentay in uu ballaarto dagaalka, hayeeshee ugu dambeyn ay Ciidamada Dowladda dagaalka soo afjareen.

Ilaa 6 kamid ah maxaabiistii dagaalamaysay ayaa goobtay lagu toogtay, sidoo kale 4 ayaa la qabtay,iyadoo ay dhaawacmeen 6 kale, oo ragii dagaalamay kamid ah,Waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda,iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqaddaasi ka dhashey

Xaalada Xabsiga Dhexe ayaa Caawa degan, waxaana dadka badi ku xiran ay yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo xukuno kala duwan lagu Friday.