Taliyaha Booliska Oo soo Kormeeray Musuqa Hadheyay Xarunta CID-da, Wacad-na ku Maray..(Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Maanta kormeer ku tegay Xarunta hay’adda dembi Baarista CID-da Qeybteda Faraha lagu qaado

Taliyaha ayaa xog wareystey dadweyne badan oo ku sugnaa xaruntaas kuwaasoo doonayay in loo qabto adeegyo iyagoo dadweynahaas qaar ka mid ah ay u sheegeen taliyaha in ay dhibaato ku qabaan sidii ay ku heli lahaayeen cadeynta ay ugaga baahnaayeen xarunta.

Taliya ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay howlwadeenada xaruntaas kuwaasoo uga warbixiyay howlaha ay hay’adaasi qabato.

Kormeerka ka dib Taliyaha ayaa amar ku Bixiyey in la Joojiyo shaqada Faraha ilaa Muddo Sedax Casho ah si loo helo deegaan ku haboon in Dadweynaha loogu shaqeeyo.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa balan qaaday inuu Mudada Gaaban keenayo Qalabka Casriga,isla markaana uu dhisi doono Hoolal waaweyn si loo yareeyo saxmada iyo Ciriiriga ka jira Xarunta hay’adda dembi Baarista CID-da Qeybteda Faraha lagu qaado.

Boqolaal ruux ayaa maalin walba adeeg u doonta xaruntan si ay uga soo qaataan warqada dambi la’aanta taasoo ah mid ku xiran inaad qaadato baasaboor iyo weliba arrimo kale, waxaana Kormeerka taliyaha ee xaruntan uu kusoo beegmayaa ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaruntaas ay ka jirto musuqmaasuq iyo wax isdaba marin xoog leh.