Taliyaha Boliska Somaliya Oo Looga Yeedhay Safaarada Maraykanka Fariina La Faray.(Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Safaaradda Mareeykanka ee Muqdisho kula kulmay Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada, Safaaradda Mareeykanka Wendy Stancer iyo saraakiil kale oo katirsan Safaaradda.

Kulankan dhax maray Taliye Xijaar iyo Wendy Stancer ayaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka iyo sidii looga shaqeyn lahaa amaanka guud goobaha loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale saraakiisha katirsan safaarada Mareykanka kala hadlay mashaariicda ay islawadaan Safaaradda Mareeykanka iyo taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.