Suxufigii Ugu Horeeyey Ee Israeli ah Oo Booqday Maka Iyo Madiina.(Sawiro)

Weriye u dhashay Israel oo lagu magacaabo Gli Tamari ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah ku tegay Nawaaxiga magaalladda Barakaysan ee Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga, xilli uu Sharcigu ka mamnuucayo inay dadka aan Muslimka ahayn gudaha u galaan magaalladdaasi.

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu soo xigtay Warbixin uu Weriyaha Yuhuudiga ee Gli Tamari ku sheegay inuu yahay Saxafigii ugu horeeyey ee Israeli ah ee war ka soo tebiyey Goobaha Barakaysan ee ku yaalla Sacuudiga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Saxafigu waxa uu sheegay inuu koray Buurta Carafaat, iyadoo dhacdadaasi aad looga hadal hayo Baraha Bulshada ku wada xiriiraan.

Gli Tamari waxa uu hoosta ka xariiqay inay Riyadiisu ahayd inuu mar uun booqdo magaalladda Maka Al-Mukarama.

Waxa uu tilmaamay in Shaqsiga uu kula heshiiyey inuu geeyo magaallada Makah aanu ka war haynin inuu isagu ahaa Saxafi Israeli ah.

Warbixinta iyo Muuqaalka uu Saxafi Gli Tamari soo dhigay Wargeyska Bloomberg waxa ka muuqday isagoo gaari ku dhex maray magaalladda Makah Al-Mukarama.

(Visited 2 times, 1 visits today)