Sudan Oo ku Dhawaaqday In Cumar Al-bashiir Lagu Wareejinayo Maxkamadda Caalamiga Ee ICC.

Millateriga xukuma waddanka Suudaan ayaa go’aansaday in madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir, loo dhiibo Garsoorayaasha maxkamadda Caalamiga ah denbiyada ee fadhigeedu yahay Heeg.

Madaxweynihii hore ayaa wajahaya dacwado la xiriira xasuuq, dembiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, oo ku saabsan iskahorimaadkii ka qarxay gobolka Darfur ee dalka 2003.

Al-Bashiir ayaa xukunka ku qabsaday afgambi militari 1989 waxuuna xaunkiisu ka mid noqday xukumada ugu adag Afrika, tan iyo markii xukunka laga tuurayay bishii Abriil ee sanadkii 2019.