Spain Oo Qaaday Qayb Ka Mid Ah Xayiradiihii Saarnaa Shacabka Iyadoo Lacag Ka Raadinaysa.

Spain oo ka mid ah dalalka uu aadka u saameeyay xanuunka Covid-19 ayaa haatan bilowday iney khafiifiso tallaaboyinka xayiraadihii lagu soo rogay dalkaasi, kuwaasi oo dhaqaaleheeda la dagay.

Shaqaalaha ka hawlgala warshadaha iyo dhismooyinka ayaa loo ogolaaday iney dib ugu laabtan shaqada balse waa iney si adag u raacaan tallooyinka bad-qabka.

Hase yeeshee bulshada inteeda kale ayaa ku sii jiri dooona guryaha ilaa amar dambe.

Ku dhawaad 17,500 ayaa fayraska ugu dhimatay dalkaasi Spain, balse waxaa hoos u dhacday tirada dadka u dhimanaya xanuunkan.

Talyaaniga oo ah dalka ugu daran yurub marka laga hadlayo saamaynta xanuunka Corona, kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 19,900 oo qof ayaa isagana loo ogolaan doonaa in qaar ka mid ah shirkadda dalkaasi ay shaqadooda dib u bilaabaan maalinta Talaadada ah.

Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi Spain ayaa sheegay in tirada maalin laha ah ee dhimashada dalkiisa ay hoos u yara dhacday, iyadoo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 517 oo dhimasha ah, Axaddina ay tirada dhimashada ahayd 619 oo kiis.