Spain: 832 Qof Oo Ku Dhintay 24kii Saac Ee la soo Dhaafay.

Dawlada Spain wasaarada u qaabilsan Caafimaadka waxa ay ku dhawaaqday in ay 24kii saac u dambeeyay dalkaasi ku geeriyoodeen 832 qof, taasina ay tahay tiradii ugu badnayd ee dalkaasi ku dhimatay maalin kaliya.

Guud ahaan tirade dhimashada ee Spain oo ku u kacday ayaa la wariyay inay isaga gudubtay inta u 5,690 oo ay maanta gaadhay halka ay markii hore ka ahayd 4,858 oo qof.

Dadka qaaday caabuqan covid-19 ee dalka Spain ayaa iyaduna koray gaadhayna 72,248 oo kiis, halka ay shalay oo Jimce ah ka ahayd 64,059 oo kiis.