Soomaaliya Oo si Deg deg ah Ugu Yeertay Safiirrada ka Jooga Suudaan iyo Masar.

Dowladad Soomaaliya aya maanta muddo toddobaad ah ugu yeertay inay dalka ku soo galaan safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalalka Suudaan iyo Masar,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ma jirin faahfaahin laga bixiyay sababta loogu yeeray sida dhaqsada ah inay dalka u soo galaan labada danjire ee dalalka Suudaan iyo Masar u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ,Cabdiqani Maxamed Waceys oo ah iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore, halka Cabdirisaaq Shoole , safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan sannadkii hore loo magacaabay xilka safaaradda, isagoo ka mid ahaa xilligii la magacaabayay Agaasime kuxigeennada madaxtooyada Villa Somalia.

Balse u yeerista safiirka ayaa ku soo aaddaysa xilli la filayo dowladda inay isbeddelo ku sameyso safiirrada u jooga dalalka caalamka, waxaana dhowaan golaha wasiirrada ay darajada safiirnimo u dalacsiiyeen illaa shan safiir.

Leave a Reply