Somaliya Oo Lagu Daray Tobanka Waddan Ee Xasaradaha Ugu Xun ka Dhici karaan Sannadkan

Sannad kasta, guddiga gurmadka caalamiga ee The International Rescue Committee (IRC) ayaa isbuucan soo daabacday Warbixin ku aadan Liiska 20-ka Waddan ee ay ka dhici karaan waxa ay Hay’adda IRC ugu yeertay Qalalaase Aadminimo.

Warbixinta oo loogu magac daray “the 2023 Emergency Watchlist report” ayaa lagu xusay haddii aan fahmi karno waxa ka dhacayo 20-kan Waddan waxaa laga yaabaa in Fursad loo helo in la yareeyo Heerka Aadanaha dhibtoon doona, waa sida ay saadaalisay Guddiga Gurmadka Caalamiga ee(IRC).

Warbixinta waxaa lagu soo bandhigay Liiska Toban dal ee laga cabsi qabo inay soo wajahdo Qalalaasaha ugu xun ee Aadminimo.

Liiska dalalka laga cabsi qabo inay Xasarado soo wajahan waxaa Kaalinta Koowaad ah dalkeena Somalia, waa sida lagu bidhaamiyey Warbixinta Guddiga Gurmadka Caalamiga ee The International Rescue Committee (IRC).

Warbixinta IRC waxaa lagu xusay inay Somalia markii ugu horeysay Figta Sare ka gashay Liiska Watchlist, iyadoo ay dadka Soomaalida soo wajahday Abaar iyo Qalalaase Macluul oo ay adka noloshooda mar hore saamaysay Macluusha, iyadoo dalku qarka u saaran yahay Abaar.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inaysan dalka Somalia ka jirin wax Masiibo Dabiici ah “No Natural disaster “, balse waxaa jira wax ay Aadanaha sababeen Isbedelka Cimilada iyo Xaallad Macluul Macluul inay Abaaruhu dhibaato horseedaan.

ICR waxay tilmaamtay inay xaalladu ka sii dartay Tobanaanka sano ee ay dagaaladu ka socdaan Somalia, taasi oo ay dadku ku barakaceen, taasi oo hoos u dhigtay tacbashada Dalagyada beeraha.

Guddiga Gurmadka Caalamiga (IRC) waxay Somalia ka hawl-galayeen dalkeena tan iyo sanadkii 1981-kii, iyagoo ka shaqeeya Hawlaha Barnaamijyada Caafimaadka, Nafaqaynta, Biyaha iyo Adeega Faya-Dhawrka, Shaqo Abuurka, Daryeelka Haweenka Iyo Taageerada Lacageed.

LIISKA DALALKA LAGA DIGAY INAY KA DHICI KARAAN XASARADAHA UGU XUN EE AADMINIMO:

1- Somalia,
2- Ethiopia,
3- Afghanistan,
4- Koongada Dimuqraadiga ee DRC,
5- Yemen,
6- Syria,
7- South Sudan,
8- Burkina Faso,
9- Haiti,
10- Ukraine

W/T Ustaad Nuradin

Xigasho: The International Rescue Committee (IRC).

(Visited 9 times, 1 visits today)