Somaliya Oo ku Dhawaaqday Labo kiis Oo Corona-virus ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay inay soo kordheen laba kiis oo Covid-19 ah, mid waa muwaadin Soomaali ah, midna waa Ajnabi.

Tirada guud ee dadka qaba Coronavirus ee Soomaaliya waa 7 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya, majirto dhimasho illaa hadda la diiwaangeliyay oo Covid-19 gudaha Somaliya.

“Waxaa soo kordhay 2 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah, 1 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah ee ku sugan Muqdisho,Tirada guud ee la xaqiijiyey 7 ,Tirada bogsatay,1 Tirada dhimashada waa 0 ” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa Kisaska ugu yar dadka uu sameeyay Cudurka Corona Virus ee dalalka geeska Afrika.