Somaliya Oo ka Qeyb-gashay Shir Midowga Afrika Kaga Tashanayay Saamaynta Covid 19.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadik Warfa ayaa maanta hab-ka tooska ah uga qeybgalay Madasha Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Afrika oo uu soo qabanqaabiyay ururka Midowga Afrika.

Ku dhawaad 32 wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno, 70 xubnood oo ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaasha ka socday ayaa ka qeybgalay.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyad wax ku ool ah oo looga jawaabi karo saameynta fayruska safmarka COVID-19 ee ilaalinta shaqaalaha iyo dakhligooda.