Somaliya Oo Deeq Gargaar ah Gaarsiisay Dowlada Koonfurta Sudan.

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan oo kaashaneysa jaaliyadda wadankaasi ayaa 25 tan oo deeq gargaar ah oo ay ugu gurmanayaan dadka ku hanti beelay fatahaadaha ka dhacay wadankaasi ku wareejiyay dowladda Dalkaasi.

Munaasabadda Wareejinta deeqdaasi , ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalkaas waxaana ujeedku ahaa in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiso dadka reer South Sudan ee ku hanti beelay daadadka ku rogmaday Sudan.

Wareejinta raashinka waxaa ka qeyb galey madaxweyne ku xigenka koofurta Sudan mudane Hussien abdilbaqi akoul, wasirka arrimaha baarlamaanka, wasiirka warfaafinta, iyo madax kale oo ka tirsan dowladda wadankaas waxaana deeqda ku wareejiyay safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalkaas Ambassador Xuseen Xaaji Axmed,madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee deeqda soo arrurisay ayaa Iyana goob joog ahaa.

Deeqda ayaa ka koobneyd 25 tan oo rashin nuucyo kala duwan ah waxaana la wareegay oo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed madaxweyne ku xigenka dalka K/Sudan Hussien abdilbaqi akoul waxaanu ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa kaalinta ay mar wlba ka qaataan ugar gaaridda walaalahooda koofurta Sudan.