Somaliya iyo Q/Midoobey Oo kala Saxiixday $7.2 milyan Oo ku Baxaysa Doorashada.(Sawiro)

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Muqdisho qayb kamid ah misaaniyadda doorashooyooyinka oo gaaraysa toddobo malyan iyo labo boqol oo kun oo doolar ($7.2 Million).

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya deeqdaas lacageed oo ah qaybta deeq bixiyayaasha ay ku bixinayaan kharashka ku baxaya doorashada waddanka ka dhacaysa.

Mas’uuliyiinta dawladdu ma aysan sheegin in dawladda Soomaaliya ay iyaduna saami lacageed ku biirinayso kharashka doorashada.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhowaan ka bilaabatay maamul goboleedyada, iyadoo dhowanana la filayo inay dhammaan maamulladu soo gabagabeeyaan doorashada Aqalkaas, waxaa illaa hadda la doortay sagaal Senator, oo afar ka mid ah laga soo doortay maamulka Jubaland, halka shan kalena laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed.

Deeqdan Lacagta oo ay bixinayaan deeq bixiyayaasha caawiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay fududeyn doonto dardargalinta doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.