Somaliya Iyo Itoobiya Oo ka Wada-hadlay Arimo Dhawr ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faraax ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Axmed Macalin waxanaa kulanka looga hadlay iskaashiga Duulimaadyada iyo horumarinta Gaadiidka Cirka ee dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa intuu socday lagu gorfeeyay in muhiimad wayn ay labada dal u leedahay in la horumariyo duulimaadyada iyo Hay’adaha ka shaqeeya.

Wasiir Duraan Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad wayn u leeyahay iskaashiga labada dal, waxaana uu sheegay in mar walba ay dadaal ugu jiraan xoojinta shaqooyinka ay shacabka Soomaaliyeed u hayso Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.

(Visited 4 times, 1 visits today)