Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Wiil Baahiyay Sawirka Guri Uu Dhisanayo Maayirka Gabiley.

Maayirka Magaaladda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa xabsiga Dhigay Aqoonyahan Axmed Ciisood oo ka mid ah dhalinyaradda Ku nool Magaaladda Gabiley.

Axmed Ayaa bogga uu ku leeyahay Facebookga ku baahiyay sawirka guri uu sheegay in uu magaaladda Gabiley ka dhistay Duqa Magaaladaasi.

Qoraalkaasi uu ku baahiyay Boggiisa ayaa waxa uu udhignaa sidan “Waddadaas oo 2 km ah imika waxa la dhisa Maca Habeenkii si Madaxwaynuhu Xadhiga Uga jaro Marka uu yimaado Sida la filayo Waxaan Jeclaan lahayn In Gurigas Fooqa ah oo Maayarku ka dhistay Cashuurtii danyarta isna madaxwaynuhu xadhiga ka jaro ilayn waa Hanti Dadwayne Laguna Daro Hantida Dawladda” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Dad badan ayaa baraha bulshada ku cambaareeyay xadhiga Axmed Ciisood, waxaana loogu baaqay duqa Magaaladaasi in uu xorriyadiisa u soo Celiyo Aqoonyahan Axmed Ciisood