Somaliland Oo Mas’uuliyiin Lagu Eedeyay Musuq ku Xir-xirtay Borama Berbera Iyo Burco.

Somaliland ayaa mar kale waxaa ay sheegtay in mas’uuliyiin kala duwan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq, xilli kal hore Magaaalada burco mas’uuliyiin loogu xiray.

Hanti-dhawraha guud ee Somaliland Khadar Yuusuf Dirir, oo la hadlay VOA ayaa sheegay in burco, Boorama iyo Berbera ay ku xireen saraakiil Dawladeed oo ku eedayaan arrimo Musuq-maasuq.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la xiray dad shacab ah oo lagu qabtay in ay sameeyeen ducument Been abuur ah, kuwaas oo si caadi ah ugu Shaqeysanayay.

Xukuumada somaliland ayaa dhowr jeer oo hore xir xirtay mas’uuliyiin hoose,kuwaas oo lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq, iyada oo qaarkood lagu sii daayay damaanad iyo hab beelaysan.