Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay si Adeg Uga Hadashay Gafkii Macron Ee Nebi Muxamed NNKH

Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee uu ugu gafay Diinta Islaamka, isla markaana uu taageero u muujinyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Aflagaada loo geystay Rasuulka SCW, ayna marnaba ogoleyn in Nebi Muxamed wax laga sheego.

Sidoo kale Wasiir Faratoon ayaa tilmaamay in Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waajib ay ku tahay difaaca Nebi Muxamed NNKH, Jaceylkiisa iyo in la weyneeyo Rasuulka.

“Innagu waxaynu nahay dad islaam ah, waxaanu ALLE inagu nimcaystay imaanka islaanimada, wuxuu ALLE inoo soo diray Nebi Muxamed, markaas sinaba raali uguma nihin in Nebigeena wax laga sheego, Nebiguna waa iftiinkii iyo nuurkii Adduunka, oo iyaduu casri jahili lagu jiro, ayuu ALLE Nebi Muxumed Adduunka keenay, waxaanu Nebigu ina baray waxaynu if iyo akhiraba ku liibanayno, markaas inuu jecaylkiisu qalbigeena ku waynaado oo aynu saligiisa joogteeyno ayaa la inaga rabaa, Muslimiintuna meel kasta oo ay joogaan inay Nebiga taageero iyo jacayl u muujiyaan waa waajib” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Maxamuud Faratoon.

Dalalka Muslimka ayaa siweyn uga xumaaday Madaxweyne Emmanuel Macron oo taageeray Nin la dilay oo Sawir-gacmeed ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH, waxaana dalal farabadan oo ay ku jirto SOomaaliya ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo hadalka Madaxweynaha Faransiiska, isagoo lagu tilmaamay sheydaan weyn.