Somaliland Oo Heshiis la Saxiixatay Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa Heshiis Is-afgarad oo la xidhiidha Iskaashiga Horumarinta Warbaahinta la saxeexday dawladda Federaalka Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya.

Nuxurka heshiiska ayaa la xidhiidha sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadida aqoonta, xirfada iyo tiknoolajiyadda Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka xukuumada Biixi, is-dhaafsiga wararka iyo macluumaadka labada dal iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal wada yeeshaan.

Heshiiskan ayaa dhinaca Somaliland waxa u saxiixay wasiirka warfaafinta Maxmed Muuse Dhiiriye halka dhanka Itoobiyana uu saxeexay dhigiisu Dr.Naguse Natuko, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya, waxayna munaasibada heshiiska labada dhinac ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya, Taas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan warbaahinta Dawladda Itoobiya,