Somaliland Oo Go’aan Adag kasoo Saartay Sarifka Online-ka Ee Forex.(Akhriso)

Qoraal maanta kasoo baxay Bangiga dhaxe ee maamulka Somaliland ayaa lagu mamnuucay Suuqa sarifka Onlinka ee loo yaqaan Forex in uu ka shaqeeyo deegaanada ay maamusho.

Bangiga dhaxe ee Somaliland ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Suuqa Forex uu lamid yahay barnaamijkii la oran iray Jiif oo Jaq oo horey uga jiray deegaanada somaliland balse markii dambe suuqa ka baxay.

Go’aankan adag ee kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xili guud ahaan Soomaaliya ku baaheen shirkado ka shaqeeya sarifka Onlinke ee loo yaqaan Forex, kuwaa oo dadka lacago ka qaadanaya una sheegaya in faa’iido badan ku helayaan lacagtooda.

Halkan ka Akhriso: