Siyaasiyiintii Xabsiga Laga sii Daayay Oo Cadeeyay Inaysan Tanaasuleyn Qaddiyadda Oromada

Jowhar Maxamed iyo Baqale Garbaa oo ka mid ah Xubnihii ugu waawayne ee xisbiga mucaaradka ee OFC oo dhawaan xabsiga lagu soo daayey ayaa sheegay in xariga lagu la kacay aysan uga hari-doonin halgankooda nabadeed ee ay ku xaqiijinayaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada.

Labadan Siyaasi oo tani iyo marki xabsiga laga soo daayey markii ugu horaysay qabtay shirki jaraa’id ayaa sheegay in halgankooda uusan ku ekeen raadinta xuquuqda qowmiadda Oromada balse ay raadin doonaan tan shucuubta dalka Itoobiya oo dhan.

Xubnahan oo 18 bilood xabsi ku jiray oo cafis lagu sii daayey waxay dowladda dhexe ugu baaqeen iney baaritaan degdeg ah ku sameyso dilka loo geystay fannaankii qowmiyadda Oromada Hachaalu Hundesa.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka Tigraay ee sababay xadgudubyada ka dhacay deegaannada Oromada, Benishangul Gumuz, Cafar iyo Amxaarada.

Jowhar Maxamed iyo Baqale Garbaa ayaa ah laba siyaasi oo ka soo jeedda qowmiyadda Oromada oo si weyn uga muuqdo siyaasadda dalkaasi Itoobiya.