Siyaasiyiin Iyo Waxgaradka Beelaha Maxad-case Oo Harimo-sharafeed ku Maamuusay Wasiirka Cusub.(Sawiro)

Waxa ay ahayd madal hadhimo sharafeed ah oo uu agaasinkeedu sareeyay laguna maamusay xilka soo biiray ee wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaarada Khayraadka Biyaha ee Somaliland, waxana qadasharaftan oo ay soo agaasimeen dhalinyaro iyo odaydhaqameed waxana ka soo qayb qayb galay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland, wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaarada Khayraadka Biyaha, Xildhibaano, Masuuliyiin Hore, Madaxdhaqameed, dhalinyaro, Siyaasiyiin iyo Haldoor kala duwan.

Madashan Qado Sharafta ah ayaa waxa lagu gorfeeyay sidii midnimada iyo iskaashiga loo xoojin lahaa, iyo sidoo kale sidii meel looga soo wada jeesan lahaa wax walba oo bulshada jiritaankeeda, hiigsigeeda siyaasadeed iyo iskaashigeeda wiiqaya.

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaarada Khayraadka Biyaha Md. Siciid Axmed Jibriil oo madashaasi ka hadlay ayaa ka mahad noqay martiqaadka loo sameeyay, waxuna kala dardaarmay midnimo iyo isku xirnaasho dhinaca beelaha iyo hogaankooda Siyaasada.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdilaahi aayaa aku dheeraaday ahmiyada ay leedahay isku-duubnida, is tixgalinta iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin xukuumada Xisbiga Kulmiye iyada oo wax-walba oo xaq loogu leeyahay xukuumada loogu doonanayo si midaysan oo milgaheeda loo daba- fadhiyo haldoorka hogaamiya siyaasada. Iyada oo sidoo kale la xusay in loo diyaargaroobo, si mug lehna looga qada qayb qaato soo dhawaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo gobolka ku soo fool leh dhawaan.

Suldaan Cismaan Ducaale Dirir Oo Hadalka madashan soo xidhay ayaa tilmaamay in ka oday dhaqan ahaan ay taageersan yihiin hogaanka siyaasadeed ee bulshada ay ka soo jeedaan, waxana uu adkeeyay suldaanku ahmiyada ay leedahay midnimadu, waxana uu ku tilmaamay midnimoda mida kaliya ee lagaga bixi karo waayaha adag ee bulsho soo mara, sidoo kalena lagu gaadhi karo bashbash iyo barwaaqo loo dhan yahay.

Si kastaba ha ahaatee Madashan ayaa haldoorka kale ka soo qayb galay qaarna ay ka hadleen waxa ka mid ahaa Xildhibaan Calli Xuseen Nuur, Xildhibaan Jimcaale Ahmed Cilmi Gudoomiyaha Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada Aadan Geedi Carabloo, Xildhibaankii Hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Mahdi Xuseen Cadar, Maayarkii Hore ee Lughaya Cabdiraxmaan Xasan Cabdale, Xoghayahii Hore Ee Dawlada Hoose Ee Borama Muumin Xuseen , Md. Nuur Aadan Shirdoon, Md. Cumar Ismaaciil Cabdilaahi, Md. Cabdikariin Aadan Shirwac, Md. Fuaad Yusuf Cusmaan, Md. Mahdi Cumar Sheekh, waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen Wasiir kuxigeenka Cusub ee dhawaan la magacaabay iyagoo cadeeyay inay taageero mug leh la garab joogaan Hogaamiyaasha siyaasada ku matala.

(Visited 13 times, 1 visits today)