Siyaasi Ramaax Oo Dacwad Lagu soo Oogay Iyo Xisbiga UCID Oo ka Hadlay.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) mar dhawayd looga yeedhay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D, halkaasna uu tegay si waraysi loola yeesho.

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan ayaa Waxa uu u hoggaansamay yeedhmada ciidamada waxaanu tagay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D

Arrinta loogu yeedhay ayaa la sheegay inay la xidhiidho dacwad uu ka gudbiyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.