Sida Ay Nolosha Dabaqadaha iyo Kala Sarraynta ku Dhisani ugu soo Muusayso Nolosha Isma-Hurtada ah ee Soomaalida: Sheeko kale.

Waa xilli barqo ah. Abbaaro 10:30. Waxa aan fadhiyaa mid ka mid ah hudheelada ugu waawayn magaaladda. Waa kaliday, markaa. Waxa aan markii ay saacaddu ku beegan tahay 11:00 aan ballan kula lahaa nin oday ah oo masuul ah. Dhawaan baanu is baranay. Hawl uu iiga aqoon roonaa ayaan kalwinteeda in uu ila maareeyo qorshahaygu ahaa. Waxa uu ii sheegay in uu ku jiro, oo lagana yaabo in uu ku soo daahi karo shir uu lahaa.

Waxa aan fadhiyaa barxadda hore ee Hudheelka. Koob shaah ah oo qiiqaya ayaa i hor qotoma. Hudheelku waa iska saxmad. Waxaa is dhaafdhaafaya dad qaarkood aan anigu aqaan (caan laga yaabo in ay yihiin), qaar aanu is naqaan, qaarkoodna igu cusub. Cabaar markii aan fadhiyo ayaa waxa sheed igaga soo baxay laba wiil oo dhalin yar ah oo aanu is aqoonsannay.

Si fiican bay u labisan yihiin. Wiilasha midkood waxa aanu wakhti wada joogi jirnay Magaalo. Imika waa injineer naqshadaynta dhismaha qaabilsan. Duuduub, waxa ay ahaayeen dad shaqaysta oo isku filan. Hadda qudheeda dad shaqo ka soo baxay bay ahaayeen. Way igu soo baydheen. Halkii baanu shaaha iyo sheekadaba xoogaa balaadhsanay. Si fiican baanu isku warsannay. Dad aanu hore isku naqaanay baanu iska waraysannay meelaha ay ku kala dambeeyeen.

Goor dambe oo ay Duhur u dhaw dahay ayuu ninkii noo yimid, anaga oo saddex ah. Anigu waxa aan wali isii jiidanaya sheekooyinka qaarkood oo u badnaa xusuuso iyo dad aanu isla garanaynay oo aanu iska waraysanaynay meelaha ay ku kala dambeeyeen. Markii uu ninkii odayga ahaa noo yimi, saw inaan sheekada soo gunaanado maaha? Saw in aan hawshayada gaar ula baxno ma aha? Saw inaan wiilasha ‘waa inoo mar kale’ intaan idhaa aan u sarakaco maaha dantii aan watay?

Intaasiba ma ay dhicin. Ninkii odayga ahaa, isaga oo aad moodo in uu salaanta aniga uun ii gaar yeelayo uu nagu dhaafay, “isii suga waan soo noqon doonaa.” Cabaar markii aan joognay, Salaaddii baa gaadhay. Waan soo dukaday. Kaliday ayaan soo noqday oo halkii sii fadhiistay. Wax yar ka dibna ninkii baan wacay.

Waxa uu ii galay sheeko aan fahmi waayay wax uu ka wado; “waanigan wasiirka la taagan… barafasoorka aan salaamee i sug… digtoorkaan ku yara baydhay…” iyo wax la mid ah. Waan dareemayay, inay si wax yihiin. Iskumaanse lurinba. Ugu dambayn ayuu igu soo celiyay “ma adiga uun baa?” Ayuu i warsaday iyo “haa”. Sidii buu iigu yimid. Halkii baanu iska raacnay oo hawshayadii ku toosnay.

Ma aan waydiinin. Danna kama aan galin in aan sii toydo, sababta madax gadka intaa le’eg ku kaliftay. Waxaanse u qaatay, in isaga iyo wiilasha haddii aanay wax hore dhex marin, ugu yaraan aanu jeclaysanaynin in uu nagu soo biiro. Waase isaga iyo Allihiiye, in badan oo kale oo muush ah bay noloshayda i soo martay, qof qof uga dayrinaya in uu ka hayn yar yahay, aqoon gaaban yahay, ama haddii ay sii fogaato uu ka muuq, dhar iyo labis qaadasho duwan yahay. Way dhacdaa. Waana wax ku cusub nolosha casriga ah ee ay magaalo Soomaalidu kala kulantay. Nolosha jiilalkan dambe ee aabayaashood magaalo ku dhasheen.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa intii aanu meeshii aanu ku soconay aanu u sii soconay aan u dul maray, wiilasha meesha ila fadhiyay iyo sida midkood duruufo iyo sheekooyin noogu qabsadeen magaalo aanu wada joognay iyo sida meesha dhaw aanu iskaga soo baxnay. Sida uu u ahaa qof shaqaysta, oo waliba tan iyo maalintii uu dab ka baydhay uu ahaa qof wax-na barta xoogsadana oo isku filan. Wuxuu ii sheegay in guri hooyadii iyo aabihii ay ugu dambaysay 15 jirkiisii. Kolayba, nin aniga iga adag oo iga dadaal badan buu ahaa.

Taasi waa mid…

Waa madal kale iyo maalin kale. Waxa i casuumay nin aanu muddo kala raagnay. Waxa uu ii geeyey, asxaab kale oo qaarkood aanaan is arkin, muddo ku siman 20 sano. Markii aanu dib ugu noqonay, shaw waaba 2001 iyo xilli aanu kubbad wada ciyaari jirnay. Miyaanay labaatan gow ah ahayn? Ha yaabine, labaatan sano ka hor qaan gaadh maanaan ahayn!

Waxaa la jooga koox kale. Dhamaantood, xilal sarsare oo siyaasi ah, qaar farsamo oo hay’addaha caalamiga ah, iyo kuwo maxalli ahba haya. Waxaa meel wax ku wada cunaya, Dirawalkii, shaqaalihii, masuulkoodii iyo asxaabtiisii. Waxaa sheekada loo wadaagayaa si isku mid ah. Isku kabo ayaa la gashan yahay. Ninba waxa uu u oqoon roon yahay ayaa markiisa laga dhegeysanayaa. Lagu ixtiraamayaa oo waliba loogu qushuucayaa.

Waxaa la jooga, dhalin yaro aniga qudhaydu qaarkood aan aqoon u leeyahay. Wakhtiyo hore iskugu kaaya dambaysay. Imikase aan sida asxaabta kale aan xilal sare haynin, balse shaqooyin iska caadi ah haysta. Waxaa lagu muunaynayay, wixii ay ahaan jireen. Garo oo waa xiliga aan shaqo iyo iyo hawl maalmeed lagu gudo jirin ee uu qofku noloshiisa gaark ah wato.

Taasina waa mid kale…

Bulshada Soomaalidu waxa ay u qaybsan tahay mar walba; geelley (geel-jire), beeralley, iyo xeeb ku nool. Geel-jiraha, ayaa ugu badan. Geel jiruhu, Waxa uu leeyahay, dhaqanno aad u qallafsan oo markii magaalo la yimid aan la jaan qaadi karin dhaqanka dawliga ah. Waxaa u horeysa qabyaalad daran, xassilooni yari, iyo hadal iyo faduul badnaan. Intaaba labada dambe ayaa kaga wanaagsan.

Wanaagna wuu leeyahay; daacadnimo badan, iyo in dadku ha kala hayn roonaadee, uu isku kabo yahay oo waxna wada cuni karo, isna raaci karo. Tan dambe saddexda qoloba way ka sinaan jirtay. Markay, bar xoolaad joogto, dad isku guula bay ahayd; markii ay beer joogtana isku guusa[1]. Nin baa maalin dhawayd waxa uu i baray dhaqan Soomaali la yidhaa ib-dar. Waa dhaqan, dhaqato-beeralay. Raasaska wada yaalla, isku mar xooluhu una wada dhalaan. Qaar bay u dhalaan qaarna uma dhalaan. Waxaa jira qaar aan xoolaba lahayn. Waxa meel la iskugu keenaa, caanihii jeeska meesha wada yaalaa soo maaleen. Markaasaa si siman loo qaybsadaa. Waa dhaqan wanaagsan. Maantase ma filayno in uu magaalo ka dhaco.

Aan dib u laabto’e, ninkaa odayga ah ee aan kor ku xusay shaqsiyan waa nin aad u qiyam, dadnimo iyo diinba wanaagsan. Waxaase uu u dabran yahay waa nidaam nolosheena lafta ka galay oo aanu dhaafi karin. nidaam odhanaya, dadka ka kaa koreeya uun raadkiisa qaad, ka kaa dambeeyana, cidhibta ku dhufo. Halkii ay ka ahaan lahayd; nolosha in qofka aad u baahan tahay inta aad daba ordaysid, in aadan ka kuu baahan ka tagin!

Waa nidaam oo waan ognahay qof ma badali karo, ee nidaam nidaam uunbaa saxa. Guurkiibaa yaraaday, tafiirtii baa is dhintay. Dadkii baa kala tagay. Dawladnimadii baa daloosha. Qabkii iyo xishoodkii baa ku lumay. Waa la is nacay. Xasadka oo Soomaalida aan qaamuuskeeda ku jiri jirin baa soo biiray. Tiro ma laha raadadka ay nolosheena ku reebtay, hawo raaca nolosha dabaqadda ku dhisani.

Ugu yaraan waxa uu qofku samayn karayaa waa; in shaqada/hantida; xilkeeda, xisaabteeda, xogteeda iyo xasaradeeda uu u guto sida ay [shaqadu] u baahan tahay. Noloshiisana u wato sida uu qofku u baahan yahay isagu.

Magaaladda Muqdisho oo mar ahaan jirtay Caasimad adduunka la jaanqaadda. Hadda waa magaalo duntay. Waxa kaliya ee ku sii hadhay ee marka aad aragto damiirkaaga noolaynayaa waa; markii aad aragtid dumarka suuqa wax ku iibiya oo inta ay meel iskugu tageen, saxni gacanta kula wada jira! Markaas baad xusuusanaysaa, Soomaalinimo iyo wax isku ahaanshiyo.

Wabilaahi Tawfiiq!

Qalinkii; Cabdirisaaq Saalax.

+252634466677