Shiradaha Duulimaadyada Africa Ee Hajiyay Safaradii Shiinaha Oo Sii Kordhaya.

Waxa soo kordhaya diyaarda laga leeyahay Africa ee hakinayay duulimaadyadii ay ku tagi jijeen Shiinaha, iyaga oo u sababaynaya caabuqa neefmareenka ku dhaca ee Shiinaha ka dilaacay, waxana kuwii ugu dambeeyay ee hakiyay duulimaadyadooda ka mid ah, shirkadaha diyaaradaha ee Kenyan Airways, RwandAir, Air Madagascar, Air Mauritus iyo Royal Air Maroc.

Shirkadaha Diyaaradahan ayaa sheegay in aanay garanayn mudada uu qaadanayo xayiraadan, waxana ay intan daba dhigeen in ay macaamiishii goosatay tigidhada diyaaradahooda dib ugu celin doonaan lacahta ama ka fikiri doonaan jidkale oo ay ka wareejiyaan rakaabkan.

Hore ayaa shirkada Ethiopian Airline ay u shaacisay in ay iyaduna joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Shiinaha.