Shir Xaasaasi ah Oo Caawa U Furmay Madaxda 3 Maamul goboleed iyo Midowga Musharaxiinta

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa goor dhow gaaray Hoteelka Decele ee Muqdisho.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen ilo muhiim ah waxay shir kula jiraan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan ayay labada dhinac uga hadleen is mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii Xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo.

Horay War saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiinta ayay ku cambaareeyeen go’aanka Xukuumadda ee ahaa qabashada doorasho ay ka maqan yihiin dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.