Shiinaha Oo Mar kale Mareykanka Uga Digay Cunsuriyaynta Dadka Madaw

Shiinaha ayaa mar kale ku eedeeyay Maraykanka midab takoor iyo cunsurimo xilli ay dalkaas ka socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka nin madow oo aan hubaysnayn.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Zhao Lijian oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri.“Waxaan rajaynaynaa in dowladda Maraykanka ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku fulinayso waajibaadka ay beesha caalamka uga dalbanayso joojinta fuquuqa iyo ku xadgudubka dadka lagada tirada badanyahay.”

Zhao oo hadalka sii wata ayaa intaasi ku daray “Shiinaha Wuxuu mar walba ka soo horjeeda xadgudubyada dhanka midabtakoorka,”

Hase yeeshe, dowladda Shiinaha ayaa iyada lafteed si weyn loogu cambaareeyey falalka la xiriira cunsurinimada.

Dad Afrikaan ah ayey dhawaan dowladda Shiinaha ku qasabtay inay galaan karantiil, waxay muddo laba isbuuc ah ku noolaayeen jidadka magaalada Guangzhou iyaga oo aan haysan meel ay ku hoydaan.

Shiinaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen islamarkaana meel xabsi ah ku wada xiray malaayiin Muslimiinta Uighurs.