Sheekh Shaakir Oo Luqad Adag kula Hadlay Odayaasha Guriceel Oo Ergo Ugu Tagay.

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa laga dareemayaa cabsi dagaal dhax mara ciidamada kooxda Ahlu Sunna ee magaaladaasi hada maamusha iyo ciidamada maamulka Galmudug oo gacan ka helaya ciidamada dowlada federaalka.

Qaar badan oo kamid ah shacabkii ku dhaqnaa magaalada Guriceel ayaa halkaasi isaga barakacay iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo, waxa ayna shacabka hada ku dhibaateesan yihiin deegaano duleedka magaalada kuyaala ay ku barakaceen.

Odayaasha dhaqanka Beesha Habar Eji ee degan magaalada Guriceel oo kulan la qaatay Hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa waxa ay ka codsadeen in ciidamada Ahlu Sunna magaalada laga saaro si dagaal looga baaqsado.

Qaar kamid ah Odayaashan oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Guriceel ayaa sheegay in ay la kulmeen Sheekh Shaakir kana codsadeen in uu ciidanka Ahlu Sunna magaalada ka saaro si dagaal looga baaqsado.

Waxa ay sheegeen Odayaashan Beesha Habar Eji in Sheekh Shaakir si adag uga hor yimid codsigooda una sheegay in korkooda ku dagaalamayo uuna dhufeesyo dagaal ka qodanayo xaafadaha magaalada Guriceel.

Odayaasha ayaa dhinaca kale Madaxweyne QoorQoor u cadeeyay in uu isagu Mas’uul ka yahay amaanka shacabka, loona baahanyahay in laqaato dhabaha wada hadalka, iyado laga fogaanayo gacan ka hadal loona turayo shacabka.

Ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dowlada Federaalka ayaa ku sugan deegaano kuyaala duleedka magaalada Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal magaalada ku dhax maro ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa hueanta ah.