Shacabka Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Fallaagada TPLF ka Difaacaan Caasimada Addis Ababa.

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka magaaladaasi inay diiwaangashadaan hubkooda ayna magaaladooda ilaashadaan, xilli laga cabsi qabo in fallaagu ay u soo ruqaansadaan dhanka caasimadda.

Codsigan ayaa imanaya maalma uun kaddib markii Falaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ay sheegtay inay qabsadeen laba magaalo oo qiyaastii 400km u jira magaalada Addis Ababa.

Dagaalka ayaa sanad ka hor ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi, waxayna dowladda Itoobiya gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF ay ku qabsadeen laba magaalo iyadoo ku tilmaantay borabagaando.

TPLF ayaa tan iyo markii uu dagaalku bilowday horumar ka samayay gobollada dariska ah gobolka Tigray ee Amxaarada iyo kan Canfarta, iyadoo ay colaaddaasi ku dhinteen kumannaan qof in ka badan laba milyan oo qofna guryahooda ayey isaga carareen.