Shacab la Socday Gaari Oo Mar-kale Lagu Laayay Duleedka Magalada Gaalkacayo

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu laayay dad rayid ah oo u socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay gaari Rakaab ah oo marayay deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ay ku fureen rasaas geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen, tiro intaasi ka badan, iyadoo raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaasi.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka soo ambabaxay degmada Galdogob, waxaana la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Lama oga ujeedka loolaayey dadkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa gobolka Mudug ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil.

Dhawaan ayey aheyd markii dad rayid ahaa oo gaarayay 13 Qof lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo kala jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Leave a Reply