Saylac: Mudaharaad Lagaga Cabanayo Biyo La’aan Oo Ka Dhacay Lawyacado.

Mudaharaad lagaga cabanayay biyo la’aan ka jirta Lawyacado ayaa ka dhacay magaaladaasi, waxana mudaharadaashu ay hadal iyo qoraalba ku cabireen, xaalka sii xumaanaya ee biyaha Lawyacado, waqti uu mishiinkii ceelkaasi waraabiya Lawyacado cilad fudud u fadhiyo.

“Waqtigan aanu ku jirnaa waa xagaa waana xiliga deegaanada xeebaha gobolka Awdal ugu kulul yahiin, hal daqiiqo biyo la’aan lama joogi karo iskaba daa caruure dadkii waa waynaa ayaa surmi u dhimanaya markaa maamulkii gobolka iyo degmada-na dhagaha ayay naga furaysteen wax ka qabashada biyo la’aanta jirta” ayay tiri Hooyo Xaliimo Cabdi Maxamuud oo ka mid ahayd dadkii dareenkooda ku muujiyay dibadbaxa maanta ka dhacay Lowyacado.

Hooyo Xaliimo oo hadalka sii wadata ayaa baaq iyo dhaliil isku jirta dirtay waxana ay tidhi “Maamulkii ceelku ma jiro, maamulkii degmadu nooma damqanayo, maamulkii gobolkuna wuxuu noqday in dano kale iyo daaro dhisasho ka shaqeeya, Lawyacdona Ilaahay ayay leedahay, hadii aanay xukuumadu na soo gaadhin”

Ceelka biyaha ee Lawyacado ayaa waxa todobaadadii u dambeeyay hadheeyay maamul xumo sababtay in maamulihii hore ee Ceelkaasi uu is casilo, waxana xusid mudan in xiisada ceelkan ay faraha ka baxday markii maamulka huwanta ah ee Saylac iyo Salal ay fara-galin ku sameeyeen hanaankii hore ee loo maamuli jiray ceelasha Saylac iyo Lawyacado.

Ilaa hada wax biyo ah oo Lawyacdo laga helayaa ma jiraan, marka laga reebo booyado ganacsi oo dhinaca Djibouti biyo ka keenaya, biyaahaasna ay yihiin kuwo qaali ah isla markaana aan ku filnayn magaalada iyo dadka safarka ah ee ku sugan ee maalin walba ka gudba kana soo gala xadka ay Somaliland la wadaagto Djibouti.

Si kastaba ha ahaaatee, Wasaarada Biyaha Somaliland ayaa u muuqata inay ku fashilantay waraabintta dadka reer Lawyacado iyo sidoo kale xal u helida xiisada maamul-xumada ah ee ka jirta biyaha Saylac, waxna ay fashilaadani la mataano tahay mida ay xukuumada Biixi indhaha ka qarsanayso ee salka ku haysa sida ay Lawyacado u tahay magaalo uu kastankeedu dalka dakhli badan soo galiyo, balse loo diiday in la hormariyo kaabayaasha nolosheeda oo kii u dambeeyay uu yahay biyihii noloshu ku tiirsanayd.