Saxaafada Madaxa-banaan Oo Laga Mamnuucay Shirka beri ka Frmaya Garowe

Saxaafadda madaxa bannaanka ayaa laga joojiyey iney goob joog ka noqdaan si toos ahna warar uga soo tebiyaan shirka wadatashiga Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe.

Guddiga qabanqaabada shirka ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin weriyeyaasha ka socda warbaahinta madaxa bannaan inay gudaha u galaan xarunta uu shirku ka dhacayo, oo muuqaallana ka soo duubtaan.

Weriyeyaal ka socda warbaahinta ku hadasha codka maamulka Puntland iyo madaxtooyadda kaliya ayaa loo ogal-yahay inay goobjoog ka noqdaan oo muuqaallo iyo sawirro ka qaadaan xarunta shirka, kadibna ay la wadaagaan xogta shirka saxaafadda madaxa bannaan sida guddi sheegay

Saxaafadda madaxa bannaan ayaa loo qeybiyey kaararka ka qeybgalka shirka balse, waxaa la qorsheeyey in la geeyo xarun ka baxsan goobta uu shirku ka socdo, awoodna uma yeelan doonaan iney ogaadaan waxa ka socda xarunta shirka, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in wararka shirka la faafreebo, warbaahinta madaxa bannaana la siiyo warar loo diyaariyey sida maamulku doonayo, si shacabka looga marin habaabiyo xogta saxda ah ee shirka.